Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Farmaajo isagaa irdaha u soo xiray wadahadaladii doorashooyinka, mana jirto cid xiisa u qabta la kulankiisa”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: “Farmaajo isagaa irdaha u soo xiray wadahadaladii doorashooyinka, mana jirto cid xiisa u qabta la kulankiisa”

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayuu ku sheegay in Farmaajo uu soo xiray Albaabadii wada-hadalka, isla markaana uu noqdah hoggaamiye Kooxeed. Qoraalka ayaa sida hoose u qornaa:

“Farmaajo isagaa irdaha u soo xiray wadahadaladii doorashooyinka, ka dibna hoggaamiye kooxeed noqday. Ma jirto cid xiisa u qabta la kulankiisa. Waxaase is waydiinta mudan Dawlad Goboleedyada qaarkood bulshadii rayidka iyo waxgaradkii ayey la tashadeen, ka dibna golayaashii Wasiirada iyo Baarlamaanka ayaa go’aan ku diiday muddo kororsiga ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxaa uu isweeydiiyay cidda ay lantashadeen dawlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed markii ay go’aanka muddo kororsiga Farmaajo ku taageereen.

Warkaan kasoo yeeray Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xalay kula Midowga Musharixiinta ay la yeesheen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir-Shabeelle oo Ergo ahaa ay diideen inay la kulmaan Farmaajo.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com