C/raxmaan C/shakuur “Al-Shabaab waxay ku milmeen hay’adaha Amniga iyo Dakhliga”

HomeWararka

C/raxmaan C/shakuur “Al-Shabaab waxay ku milmeen hay’adaha Amniga iyo Dakhliga”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku milmeen

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay in dalka ay ka jirto xaallad adag
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku milmeen Hey’addaha amniga dowladda, isagoo xusay in xilligan Shabaab ay sida ay rabaan Muqdisho ka sameeyaan, illaa heer ay Canshuur ka qaadaan Dekeda Muqdisho iyo alaabaha ka soo dega.

Waxaa uu ku eedeeyay dowladda Federaalka in aanay la imaan siyaasad cad oo ay kula dagaalanto, taas bedelkeed ay xoojisay dagaalka siyaasiyiinta mucaaradka, burburinta maamul goboleedyada iyo kala qeybinta Baarlamaanka.

“Al-Shabaab waxay ku milmeen Hey’addaha Amniga dowladda iyo dakhliga magaalada, waxay canshuur ahaan u helaan 20 illaa 30 milyan, dadka ayay si toos ah ugu yeeraan deegaanka Mubaarak, illaa iyo hadda waxaa is weydiin ah dowladda mala dagaalantay”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: