Burtinle oo laga Bilaabay Olole Bilicda Magaaladda Lagu soo celinayo (dhegayso/Sawiro)

HomeWararka

Burtinle oo laga Bilaabay Olole Bilicda Magaaladda Lagu soo celinayo (dhegayso/Sawiro)

Magaaladda Burtinle ee Gobalka Nugaal Maanta Waxaa si rasmi ah uga bilowday Olalaha lagu soo celinayo Bilicda Magaaladda ,iyado Hagaajinta iyo Gurida

Madaxii dilalka qorsheysnaa ee Daacish oo Boosaaso lagu qabtay (daawo)
Waxgaradka Gobalka Sanaag oo ka hadlay dhismaha waddada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo (dhegayso)
Argatida dadweyha degmada burtinle Hogaamiye nocee ah ayuu ubaahanyahay dalku

Magaaladda Burtinle ee Gobalka Nugaal Maanta Waxaa si rasmi ah uga bilowday Olalaha lagu soo celinayo Bilicda Magaaladda ,iyado Hagaajinta iyo Gurida qashinka ay kasocoto Xaafadaha degmadda Burtinle ka koobantahay.

Ololahan Nadafada ayaa Waxaa si iskaa Wax ugu qabsa ah uga qayb qaatay Shacabka Xaafadda Magaaladda Burtinle ,iyado Bahda Cafimaadkana qeyb ka ahayeen Ololaha Bilic soo celinta Burtinle.

Duqa Degmadda Burtinle Maxamuud Buurdibi oo ka hadlayeey Ololaha Nadaafada ayaa sheegay in shacabka Degmadda loga bahanyahay inay qashinka iska fogeeyan, geeyaana Goobaha lagu tala galay in qashinka la dhigo.

Dhakhtarka Guud ee Cisbitaalka Degmadda Burtinle Cabdinuur Galaal oo isna ka hadlay halkay shaqadda kasocotay ayaa sheegay inay isku xilqaamen sidii Nadaafada Magaaladda uga shaqeyn lahayeen,wuxuna Sheegay in Cuduro ay kadhalan karran nadaafad darrada.

Hoos kadhegayso Codka Duqa Burtinle

Hoos kadhegayso codka Dr Galaal


COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: