Burkina Faso: Bandhigga filimada ee Africa uggu weyn oo furmay & Soomaliya oo qeyb ka ah sanadkan

Burkina Faso: Bandhigga filimada ee Africa uggu weyn oo furmay & Soomaliya oo qeyb ka ah sanadkan

Kumanaan qof ayaa ka qeyb galay furitaanka bandhigga aflaamka uggu weyn ee Africa, kaasoo ka furmay magaalada Ouagadougou, ee caasimada dalka Burkina Faso.

Munaasabaddan sanadlaha ah, ayaa dib loo dhigey bishii February ee ina dhaaftey, sababo xiriira cudurka safmarka ee Covid19.

Bandhigga filim-ka iyo Television-ka Pan Africa, oo loo soo gaabiyo FESPACO, ayaa soo jiita dad fara badan oo xiiseeya.

Dadka ayaa ka kala socda adduunka oo idil, si ay uggu dabbaal dagaan aflaamta inta badan African-ka caanka ka ah, oo ay sidoo kale soo saareen dadka Africaan-ka ah.

Soomaaliya waxaa uga qeybgalaya wariye Nuux Muuse Birjeeb oo ah soosaraha Filmkii Life on the Horn oo 2020 lagu sameeyay Puntland kana hadlayay Sunta lagu shubo Xeebahena Soomaliya, Filmkaas oo uu Director ka ahaa Mo Harawe.

Ammaanka guud ahaan magaalada, ayaa si weyn loo adkeeyey.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com