Boss Arsene Wenger Oo Go’aan Ka Qaatay Mustaqbalkiisa Arsenal.

HomeCiyaaraha

Boss Arsene Wenger Oo Go’aan Ka Qaatay Mustaqbalkiisa Arsenal.

Tababare Arsene Wenger ayaa ku wargaliyay maamulka Gunners inuu doonayo heshiis cusub isagoo diyaar u ah inuu sii joogo Emirates laba sanadood. Spo

Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Real Madrid fkf Man United (dhegayso)
Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Manchester U fkf Southampton? (dhegayso)

Tababare Arsene Wenger ayaa ku wargaliyay maamulka Gunners inuu doonayo heshiis cusub isagoo diyaar u ah inuu sii joogo Emirates laba sanadood.

Sportsmail ayaa fahantay in macalinkaan reer France uu maamulka kooxda u sheegay inuu doonayo inuu kordhiyo mudadiisa joogitaanka kooxda ka dhisan waqooyiga London kadib markii uu kulan la qaatay isbuucii lasoo dhaafay.

Gunners waxey ku adkeysaneysay mudooyinkii ugu dambeeyay iney xal ka gaarto mustaqbalka Prof. Wenger kaas oo in ka badan 20-sano kooxda usoo hogaamiyay marxalado kala duwan

Kulankii isbuucii lasoo dhaafay wuxuu ahaa mid guul kusoo dhamaaday oo ay labada dhinacba u arkeen iney qaadeen talaabo hormarka kooxda ku saleysan walow aan la ogeyn sida ay ugu farxi doonaan Jamaahiirta Gunners ee ka diday kana daalay balan qaadka aan hirgalin ee Arsene.

Sida la filayo Arsene Wenger waxaa heshiis lagu abaalmarin doonaa ka hor kulanka Manchester City ama maalmo kadib – hadii uu kasoo hormaro natiijo walba oo kulanka Citizens waa lagu qanci doonaa balse hadii uu ka daba maro dadka qaar waxey is tusi doonaan in natiijada kulankaas lagu xayiray mustaqbalkiisa.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: