Boosaaso: Waxaa socda Kulamo xal loogu raadinayo khilaafka taagan, Xil ay soo baxayaan baaqyada Nabadeed (daawo)

Boosaaso: Waxaa socda Kulamo xal loogu raadinayo khilaafka taagan, Xil ay soo baxayaan baaqyada Nabadeed (daawo)

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland waxaa kulamo uga socdaa dowladda & Saraakiil katirsan PSF, si xal looga gaaro khilaafka ka dhashay.

Hotelha Gacayte kuna yaala xeebta magaalada Boosaaso ayaa waxaa kulan horudhac ah ku yeeehay guddi ka kala socda labo dhinac oo nabad-raadin ah si ay u dejiyaan xiisadda la xariirta xil-wareejinta PSF.

Guddiga labada dhinac kasocday ee kulmay ayaa kala ahaa Wasiirka maaliyada Xassan Shire, wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Timacade, Wasiirkii hore maaliyada Cabdullaahi Dhaqaaje iyo Xildhibaan Faarax Biyoole, waxaana ay isku afgarteen in xaalada la dejiyo lagana durko wax halis-galinaya Amniga Magaalada Boosaaso.

Tan iyo markii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu xilka ka qaaday Agaasimaha Hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa waxaa Magaalada Boosaaso laga dareemayay xiisad sababi karta dagaal, iyada oo xalay ay ugu dambeeysay Madaxtooyada Puntland ay Ciidamo farabadan geeysay agagaarka Xarumaha Ciidamada PSF ee Magaalada Boosaaso.

Hadaba Odayaasha dhaqanka ee degmada Burtinle oo maanta nagu soo booqday Ituudiyaha Daljir ee degmada Burtinle aya baaq Nabadeed u diray dowladda & Saraakiisha (PSF) Xili Kulamo xal raadin ah ay ka socdaan Boosaaso

Daawo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com