BOOSAASO: BOOLIISKA OO GACANTA KU DHIGAY LACAGO ISKUGU JIRTAY DOOLAR IYO EURO OO FAALSO AH (SAWIRRO)

BOOSAASO:  BOOLIISKA OO GACANTA KU DHIGAY LACAGO ISKUGU JIRTAY DOOLAR IYO EURO OO FAALSO AH (SAWIRRO)

Ciidamada Booliska Bosaso ayaa manta howlgalo ay sameeyeen ku guleystay in ay qabtaan lacago Faalso ah oo iskugu jirtay Doolar iyo EURO oo la donaayya in si qarsoodi ah loo soogaliyo Magaalada Bosaaso taasoo hawlgalada ka dib ay ku guulaysteen ciidamada kantaroolka Bossaso.

Lacagtaan faalsada ayaa dhameyd in ka badan 2Milyan iyo lix boqol iyo sodon kun oo iskugu jirtay lacagaha dolarka iyo yuurooda waxaana waraaqaha lacagaha ay isugu jireen oo ku qornaa midkiiba boqol kun, iyo Toban kun, iyo kun, halka sidoo kale la doonayay in lagu qaldo lacago jajab ah.

Goobta lagu soo bandhigay lacagtan been abuurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Duqa Magalada Boosaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil, Taliyaha Booliiska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud iyo Maamulaha Bangiga Bosaaso Muuse Ow Xuseen Ducaale.

Lacagtan faalsada ee isugu jirtay doolarka iyo eurada ee lagu qabtay magaalada boosaaso ayaa ahayd lacagtii ugu badnayd ee lagu qabto magaalada Boosaso iyo deegaanada kale ee Puntland.

Sawirro.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com