Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay nin ku eedaysan dilka Hibo Qaasim

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay nin ku eedaysan dilka Hibo Qaasim

Taliska qeybta Galbeed ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan nin Habeen ka or degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada muqdisho ku dilay Gabar kamid aheyd Ardayda sanadkaan ku baasay imtixaankii ay qaaday dowladda, taas oo lagu magacaabi jiray Hibo Qaasim Maxamed.

Taliyaha qeybta Galbeed Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Ganeey ayaa sheegay in dabagal dheer oo ay sameeyeen ciidamada Booliska oo kaashanaya Maamulka degaanka Ceelasha Biyaha ay kusoo qabteen Ninka dilka geystay oo lagu Magacabo Jeylaani Aadan Abaadir.

Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in jeylaani uu Gabadha dilkeeda u adeegsaday tooreey, isaga oo ka qaadanayay Mobile ay wadatay, isla markaana dhaawac uu u geystay ay ugu geeriyootay Isbitaal la geeyay.

Ugu dambeyn Taliyaha qeybta Galbeed Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Ganeey wuxuu sheegay in ninkaasi baartan kale oo dheeraad ah lagu sameyn doono, isla markaana ay u gudbinayaan Hay’adaha garsoorka dalka si sharciga lo horgeeyo.

Shacabka Soomaaliyeed iyo Waalidiinta Hibo Qaasim ayaa aad uga naxay dilka degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada muqdisho loogu geystay Gabadha oo aheyd Ardayad da’yar oo sanadkan ka qalin jebineysay dugsiga Sare kana qeyb gashay imtixaankii ay qaadeysay dowladda Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com