Booliska Soomaaliya oo baaraya qaabkii uu udhacay dilkii Almaas Elman  (dhegayso)

HomeWararka

Booliska Soomaaliya oo baaraya qaabkii uu udhacay dilkii Almaas Elman (dhegayso)

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed oo ka hadlay dilkii loo geystay Almaas Elman ayaa marka hore tacsi u diray qoyska ay ka bax

Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Boosaaso(dhegayso)
Qarax ismiidaamin oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo kadhacay Beledwayne
Itoobiya iyo Somaliand oo ka wada hadlay adkeynta Amniga xaduudaha

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Maxamed oo ka hadlay dilkii loo geystay Almaas Elman ayaa marka hore tacsi u diray qoyska ay ka baxday iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in gal dacwadeed ka fureen xarunta dembi barista CID-da ee Muqdisho taas oo lagu barayo dadka loo heysto dilkaas.

Taliyaha ayaa sheegay in gal dacwadeed uu u furmay saraakiil khibrad u leh baaritaanada noocaan oo kala ah si looga daba tago kuwa ka dambeeyay dilkii Almaas Elman.

Toogashada loo geystay Almaas Elman ayaa waxaa ka dhashay su’aalo badan oo la xiriira qaabka dilka uu u dhacay iyo goobta uu ka dhacay oo aheyd gudaha xarunta xalane oo ay deganyihiin ciidamada AMISOM iyo hay’adaha Ajaanibta ah ee ka shaqeeya Somalia ahna goobta kaliya ee aadka loo ilaaliyo.
Dhegayso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: