HomeUncategorized

Booliska Kenya oo soo saaray digniin kadhan ah Ururka Alshabab.

Nairobi, Nov 30 2016-Taliyaha guud ee ciidanka Booliska dalka Kenya Joseph Boinnet ayaa sheegay in Al-Shabaab ay qorsheynayaan in weeraro ay ku qaadaan degaanada Hida iyo Dambala ee dalka Kenya , islamarkaana ciidanka dowladda Kenya ee halkaasi jooga looga baahan yahay in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

DHEGEYSO-Xadaynta xuduudaha degmooyinka Puntland oo Garoowe looga shiray.
Caawa iyo Daljir, Sabti, Feb, 23 Cabdirisaaq Cali Cabdi ‘Silver’ ( Daljir Galkacyo)
Shirweyne diirada lagu saarayo famanka diinta Islaamka iyo bulshada oo maanta Muqdisho ka furmay

Nairobi, Nov 30 2016-Taliyaha guud ee ciidanka Booliska dalka Kenya Joseph Boinnet ayaa sheegay in Al-Shabaab ay qorsheynayaan in weeraro ay ku qaadaan degaanada  Hida iyo Dambala ee dalka Kenya , islamarkaana ciidanka dowladda Kenya ee halkaasi jooga looga baahan yahay in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Dhanka kalena taliyaha ayaa waxa uu sheegay in ay ka cabsi qabaan weeraro ka yimaada Xarakada Al-Shabaab oo ka dhaca Magaalooyinka dalka Kenya.

Taliyaha ayaa ugu baaqay ciidanka joogga saldhigyada dalka Kenya in ay muujiyaan Feejignaan dheeri ah madaam ay suurta gal tahay in Xarakada Al-Shabaab ay kusoo qaadaan weeraro gaadmo ah.

Ugu dambayntiina taliyaha ayaa waxaa uu sheegay Joseph Boinnet in dowladda Kenya ay laba jibaartay howgallada ay ka wado xadka Soomaaliya iyo Kenya ka dib markii ay kordheen weerarada ay qaadayaan Al-Shabaab.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: