HomeUncategorized

Booliska Hiiraan oo qabtay 16 qof xili nabadoon caan ah xalay lagu dilay gudaha beledweyne

Beledweyne, September 12, 2013 - Ciidamada amaanka ee magaalada Beledweyne ayaa gacanta ku dhigay 16 qof oo rayid ah, kuwaas oo lala xiriirinayo dilka nabadoon caan ah oo xalay lagu dilay xaafada Howl-wadaag.

Khasaarihii ka dhashay dagaalkii Galkacyo oo sii siyaaday iyo xaaladda magaalada oo caawa deggan.
Maxkamadaha gobollada Nugaal iyo Bari oo xukuno ku riday 643 Milyan shilin oo Faalso ah (Sawirro)
Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo Baydhabo lagu soo Dhaweeyay

Beledweyne, September 12, 2013 – Ciidamada amaanka ee magaalada Beledweyne ayaa gacanta ku dhigay 16 qof oo rayid ah, kuwaas oo lala xiriirinayo dilka nabadoon caan ah oo xalay lagu dilay xaafada Howl-wadaag ee magaaladaas.

Baaritaano xoog-leh oo ay sameeyeen ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa ilaa xalay ka socday xaafada, waxaana hay?adaha amaanku ay sheegeen in la qabtay dad badan, balse baaris gaar ah lagu hayo 16 qof oo ku jira dadka la qabtay.

Dadka la hayo ayaa dhamantood lagu qabtay howl-gal ay ciidamadu amnigu bilaabeen kadib dil ay kooxo hubeysan u geysgteen Nabadoon Xuseen Macalin Maxamuud, dilka ayaa dhacay goor fiidkii xalay ah.

Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Hiiraan Col. Isaaq Cali Cabdulle wuxuu sheegay in ay shaacin doonaan natiijada baaristooda, isagoo intaas ku daray in weli la baadi-goobayo raga ka dambeeya dilka nabadoonka.

Nabbadoon Xuseen Macalin Maxamuud ayaa maanta lagu aasayaa gudaha Beledweyne, wuxuuna qeyb ka yahay dilal qorsheysan oo bilihii tegey lala eeganayey Indheer garadka Hiiraan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: