Maxkamadaha gobollada Nugaal iyo Bari oo xukuno ku riday 643 Milyan shilin oo Faalso ah (Sawirro)

Boosaso, August 28, 2013 – Maxkamada Derrajada koowaad ee gobolka Bari ee magaalada Boosaaso ayaa maanta la horgeeyey lacag been abuur ah, taas ?oo lagu qabtay barraha Kantaroollada ee Gobolka Bari.

Lacagta maanta la horgeeyey maxkamada derajada koowaad ee gobolka Bari, ayaa waxay tahay mid Faalso ah oo ka samaysan warqadaha A4-ta loo yaqaan, iyadoona ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada booliska ee degmada Boosaaso.

427 Milyan oo shilin Soomaali ah ayaa waxaa wareejiyey ciidamada booliska oo soo qabtay, ?iyagoo ku wareejiyey Bankiga dhexe si looga ilaaliyo in ay magaalada ku faafto, lacagtan ayaa ah mid sharci daro ah.

Bashiir Ismaaciil Axmed xeer ilaaliyaha guud ee xafiiska xeer illaalinta maxkamada derajada koowaad ee gobolka Bari ayaa ka warbixiyey lacagta iyo qaabka loo soo qabtay, wuxuu sheegay in lacagtaas laga keenay gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha maxkamada derrada koowaad ee gobolka Bari Axmed Salaad Maxamed ayaa isna ku dhawaaqay xukunka lacagta Faalsada, wuxuu ku tilmaamay in lacagtan ay tahay mid la doonayo in lagu marin habaabiyo? laguna halaago dadka masaakiinta ah ee aan aqoonta u lahayn.

Maxkamada derrajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa iyana sidaas oo kale maanta fulisay xukun lagu gubayey lacag ka badan 216 Miliyan oo shilin Soomaali ah, Maxamuud Xasan Ow-Cismaan ayaa ku dhawaaqay xukunka gubniinka lacagta Faalsada ah.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

\"\"

\"\"

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com