Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Dooni siday Maan dooriye

HomeWararka

Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Dooni siday Maan dooriye

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa caawa gacanta ku dhigay doon siday waxyaabaha maanka dooriya, taas oo lagu soo bandhigay xeebta Liido ee magaalada

Caawa & Daljir iyo Axmed Shiikh Maxamed (Tallman), Daljir Boosaaso (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Guddiga xalinta khilaafaadka oo go’aan ka gaaray kursiga uu kusoo baxay Mahdi Guuleed

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa caawa gacanta ku dhigay doon siday waxyaabaha maanka dooriya, taas oo lagu soo bandhigay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Doonta ayaa la sheegay inay ka soo shiraacatay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana gacanta lagu dhigay ragii waday, kuwaas oo caawa xabsiga loo taxaabay.

Ciidamada ammaanka Soomaaliya waxay maalmihii lasoo dhaafay si xariir ah ugu guuleysteen howlgallo ka dhan ahaa waxyaabaha maanka dooriya oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa gacanta lagu dhigay warshado lagu sameyn jiray maan-dooriyaha, sidoo kale waxay hey’adaha ammaanku gubeen noocyada kala duwan ee maan-dooriyaha, iyadoo gacanta lagu dhigay dadkii ka ganacsa jiray.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: