HomeUncategorized

Bilayska Buuhoodle oo xirxiray dhallinyaro ku dhaqaaqay falal amni xumo.

Caption ...

“Anigu waxba kama ogi heshiiska la sheegay in ay kala saxiixdeen Kenya & Somaliya” Cismaan C. Boqorre.
DHEGEYSO-Mid kmaid ah haweenka qardho oo buraanbur ku taageertay xulka Puntland.
Bossaso: War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Bossaso oo lagu sheegay in ciidanka Puntland oo ka dileen Al-shabaab 21 nin.

Buuhoodle, Dec 01 – Ciidanka ammaanka ee magaalada Buuhoodle ayaa hawlgal shalay iyo maanta ay kasameeyeen xaafadaha kala duwan ee magaalada Buuhoodle waxay kusoo qabteen kooxo dhallinyaro ah oo ku kacay falal ammaan-daro ah, kuwaasi oo muddooyinkii danbe ay cabasho xooggan ka muujinayeen dadweynaha ku dhaqan magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Kooxaha maanta xabsiga laga buuxiyey ayaa lagu eedeeyey inay sameeyeen ururo u abaabulan falal amaanka liddi ku ah, kuwaasi oo la baxay magacyo kala duwan oo ku cusub dhegaha dadka deegaanka. Taliyaha qaybta bilayska gobolka Cayn G/le dhexe Maxamuud Jaamac Cali oo shir Saxaafadeed ku qabtay Saldhiga dhexe ee magaalada Buuhoodle ayaa kawaramay halwgala maanta iyo sida ay ku bilowdeen, isagoo sheegay dadka la xirxiray in ay ku caddahay galidda dambiyo amni xumo.

Taliyaha ayaa dhawaajiyey kooxo kale oo uu ku tilmaamay kuwo dhaqan ka dhigtay qalista xoolo lasoo dhacay oo uu geelu kamid yahay kuwaasi oo maalintii shalay ay ciidanku soo qabteen.

Geesta kale Taliyaha qaybta bilayska gobolka Cayn Maxamuud Jaamac Cali ayaa sheegay in muddo bil ku dhow ay is-abaabulayeen kooxahan dhalinyarada ah ee ku kacaya falalka ammaan-darro, kuwaasi oo uu sheegay in xilligan ay xoogaysteen islamrkaana ay soo qabqabyteen ciidanka amnigu.

Ugu danbayn ayaa Taliyaha qaybta bilayska ee gobolka Cayn Maxamuud Jaamac Cali waxaa uu ugu baaqay dadweynaha gobolka Cayn gaar ahaana waalidiinta inay indhaha u furaan xaaladda ay caruurtoodu kusugan yihiin, islamrkaana gacan ka geystaan wax ka qabashada dhallinta falalka ammaan xumada ah ku kacaysa.

Geesta kale qaar kamid ah dadweynaha magaalada Buuhoodle gaar ahaana dhalinyarada ardayda ah ayaa si weyn u soo dhoweeyey hawlgalkan ay maanta ciidanka amaanku kusoo qabteen kooxaha dhallinyarada ah ee ku kacay falalka amnig xumo.

Si kastaba ha ahaatee hawlgalkan maanta ciidanka ammaanku sameeyeen ayaa kusoo beegmaysa xilli muddo bil ah magaalada Buuhoodle ay ka abuurmen kooxo dhallinyaro ah, kuwaasoo abaabulan qaab kooxo ah islamarkaana la baxay magacyo dadka ku cusub, kuna dhaqaaqay furasho moobayllo iyo rabiinayn dad.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: