BERRI OO JIMCE AH WAA MAALIN CIID DUNIDA ISLAAM, SHUCUUBTA MUSLIMIINTA AH.

BERRI OO JIMCE AH WAA MAALIN CIID DUNIDA ISLAAM, SHUCUUBTA MUSLIMIINTA AH.

Si guud dunida muslimka waxaa laga iclaamiyey berri oo Jimce ah in ay tahay maalin ciid ah kadib markii dadka muslimiinta ahi ay soo soomeen 29 maalmood bishaa Ramadaan.

Waddamada islaamka ayaa badankoodu si siman ugu wada dhaqaaqay ciid ahaansha berrto òo Jimce ah, iyadoo ay socdaan diyaar garow ciid iyo salaadeed oo maalinkaasi ku aaddan, iyo dabaaldeggo bilashada bisha Soonfur ah.

Muslimiinta ayaa sannadkaan halmar wada soomay, marka laga reebo tirooyin kooban, sidoo kalana hal maalin wada ciidaya sida laga dareemi karo iclaanka waddama iyo shucuubta muslimiinta ah.

Soomaaliya sida dunida kale ee muslimka berri laga oogayaa salaadda ciidulfidriga, waxaana hambalyeeyey heerarka maamul dawladeed iyo madaxdooda.

Suuqyada dharka, agabka ciidda iyo kuwa qalabka carruuruhu ay ku ciyaaraan ayaa caawa aad u cammiran, iyadoo dadku ay soo buux dhaafiyeen si ay u labbistaan, ugana qayb noqdaan farxadda ciidda.

Warbaahinta Daljir na waxay hambalyo u diraysaa shaqaalaheeda,, wariyaasheeda iyo hawl wadeennadeeda kala duwan, dadka Soomaaliyeed oo dhan iyo muslimiinta kalaba, waxayna leedahay ciid wanaagsan.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com