Beesha Caalamka: “Waxaan gacan ka geysanayaan baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil”

HomeWararka

Beesha Caalamka: “Waxaan gacan ka geysanayaan baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil”

War Saxaafadeed ay soo saareen Beesha Caalamka ayaa waxa ay ku sheegeen inay walaac ka qabaan khilaafka muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan T

Banaanbax Kasocda Laascanood iyo Shacab la Xir xiray
Daljir & BBCMA: BARAARUGGA Haweenka | (Taxanaha 86aad (dhegayso)
Qardho: Ardayda oo laga wacyi geliyay saamaynta xun ee qaybyaaladda (dhegayso)

War Saxaafadeed ay soo saareen Beesha Caalamka ayaa waxa ay ku sheegeen inay walaac ka qabaan khilaafka muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax iyagoo xusay inay ka qeybqaadanayaan baaritaanada kiiska Ikraan Tahliil.

War Saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan;

Saaxiibada Beesha Caalamku* waxay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeyn karana hannaanka doorashada.

Waxaan ku boorineynaa madaxda Soomaalida inay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaankan, gaar ahaanna ay ka fogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado.

Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii Maajo ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo garwaaqsan horumarka ilaa iyo hadda ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka oo hoos yimaada hoggaaminta wax ku oolka ah ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaan sii wadaynaa xiriirka aan la yeelano madax Soomaaliyeed oo badan si aan ugu boorinno in si degdeg ah loo xalliyo khilaafkan, oo ay ku jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan waayitaanka Ikraan iyo dhammaystirka geeddi socodka doorashada iyada oo aan dib u dhac kale dhicin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: