Beesha Caalamka oo soo dhoweysay Heshiiskii siyaasadeed Axmed Madoobe, Seeraar iyo Xidig

Beesha Caalamka oo soo dhoweysay Heshiiskii siyaasadeed Axmed Madoobe, Seeraar iyo Xidig

Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay heshiiskii siyaasadeed ee ay magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen 23-kii bishan April Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Golaha Is bedelka doonka Jubbaland.

War saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in heshiiskaas uu u taagan yahay tallaabo wax ku ool ah oo lagu xallinayo khilaafaadka ka dhashay hannaankii doorashada Jubbaland ee dhacday bishii Agosto 2019

“Natiijooyinka doorashada ee lagu muransan yahay ee Jubaland iyo Dawlad goboleedyada kale 18-kii bilood ee la soo dhaafay waxay hoosta ka xarriiqaysaa muhimadda ay leedahay hannaanka doorashada ee la isku halleyn karo oo ay Soomaalidu ku dooran karto hoggaamiyeyaasheeda iyada oo la raacayo Dastuurka Federaalka ee Ku-meelgaarka ah iyo dastuurka dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dawladda Federaalka”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa ku dhiiragelisay in dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee Jubbaland, hoggaamiyeyaasha siyaasadda, odayaasha dhaqanka inay adkeeyaan heshiiskii 23 April, ayna sii wadaan wadahadalkooda wax dhiska ah

Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay rabitaanka ay muujiyeen saamileyda siyaasadda Jubbaland ee ku aadan la shaqeynta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo in Jubbaland ay diyaar u tahay wada shaqeyn buuxda oo ay la yeelato Dowladda Federaalka.

“Saaxiibada caalamiga ah waxay ku boorinayaan maamulka Jubaland iyo hogaanka dowladda Federaalka, inay si nabad ah ku xalliyaan khilaafaadkooda, iyada oo loo marayo wadahadal, iyo in la yareeyo xiisadaha ka sii socda gobolka Gedo”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Waxaa kaloo Beesha Caalamka ay sheegeen inay diyaar u yihiin taageerada lagama maarmaanka u ah in dowladda Federaalka iyo dhammaan hoggaamiyeyaasha dowlad Goboleedyada inay dib u heshiisiin gaaraan, si loo horumariyo danaha qaranka.

War saxaafadeedka Beesha Caalamka ayaa waxaa ku saxiixnaa dalalka kala ah Austria, Belgium, Denmark, European Union, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Poland, Sweden, United Kingdom, United States, iyo the United Nations.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com