Beesha Caalamka oo 15 Milyan oo doolar u qorsheysay  doorshada Soomaaliya (daawo)

HomeWararka

Beesha Caalamka oo 15 Milyan oo doolar u qorsheysay doorshada Soomaaliya (daawo)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Puntland, Jubbaland, Ko

BADQABKA CUNNOOYINKA & NAFAQADA
Xulashada Daljir & Faadumo dagan, Daljir Boosaaso (dhegayso)
MARTISOOR: Faadumo Qaasim Dayib iyo waayaheedi nolasha (dhegayso)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka siiyey Wakiilada Beesha Caalamka heshiiskii laga gaaray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay qabsoomida doorasho caddaalad ah oo dhinacyadu u siman yihiin.

Mudane Rooble ayaa uga mahadceliyay Beesha Caalamka taageerada iyo is garab taaggooda,isagoo ka dalbaday in kaalintooda ay ka qaataan qabsoomida doorashooyinka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Sidoo kale, Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha ee Khamiistii laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka, iyagoo balan qaadeen sida ay uga go’an tahay taageeridda dhaqan gelinta heshiiska doorashooyinka ee la saxiixay.

Daawo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: