Beeraleyda Timirta Puntland iyo Warbixinada Radio Daljir (sawiro)

HomeWararkaMaqaalo Kale

Beeraleyda Timirta Puntland iyo Warbixinada Radio Daljir (sawiro)

Asbuucyadan waxa aan dhegastayaasha Radio Daljir ee Soomaaliya iyo dhammaan dunida dacaladeeda la qaysan doonaa warbixino eegaya waxsoosaarka beerleyd

BADBAADO: Dr. Cabdishaafi Axmed Cali, PhD Sharia & Islamic Studies: Doorka Diinta ee Wacyigelinta COVID-19 (daawo)
Xooga Dalka Soomaaliyeed oo Badbaadiyeey Kumanaan Shacabka Muqdisho ah (Qormo)
Gudoomiye Ku xigeenka degmada Burtinle oo shir jaraaid qabtay ayaa ka hadlay xaalado ka jira degmada

Asbuucyadan waxa aan dhegastayaasha Radio Daljir ee Soomaaliya iyo dhammaan dunida dacaladeeda la qaysan doonaa warbixino eegaya waxsoosaarka beerleyda timirta ee Puntland, siiba kuwa gobolada Bari iyo Gardafu oo ay ka baxaan beeraha timirta ee ugu badan, uguna tayo wanaagsan timirta Soomaaliya. Waxaan kale oo dhegaystayaasha Daljir la qaybsan doonaa sida aanba looga warqabin tayada iyo waxsoosaarka timirta Puntland iyo inta ay le’egatahay.

Warbixintu waxa aan dabagali doonaa ballanqaadka beeroleyda timirta Puntland oo ballanqaadaya in ay haqab tiri karaan baahida timireed ee gobolka waqtiga dhow iyo tan Soomaaliya oo dhan waqtiga fog.

Waxa aan sidoo kale shacabka iyo maamulka Puntland la qaybsan doonaa baahida aqooneed iyo midda qalab ee haysata beeraleyda gobolka. Waxaan kale oo dhegaystayaasha Daljir iyo maamulka Puntland u iftiimin doona gubashada sii siyaadeysa ee beeraha timirta ee gobolada Bari iyo Gardafu iyo gacan-ka-geysashada sidii looga hortagi lahaa gubashada beeraha, dhan aqooneed iyo dhan qalab.

Warbixintan waxaa labadaas gobol nooga soo diyaariyey Xasan Heykal. Haddana aan idin la qaybsano masawiro hordhac u ah warbixinada Beeraleyda Timirta Puntland.

  

  

  

  

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: