HomeUncategorized

Bashiir Cabdille Cismaan (Codweyn) oo loo caleemasaaray Hogaanka dhaqanka ee Beesha Fiqi Xirsi.

Bacaadweyn, Jan, 06- Iyadoo Baliga JEEDALOW ee duleedka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug mudooyinkan dambe shir dhaqameed wadatashi ah uu uga socday Beesha Fiqi Xirsi ayaa maanta waxay ku doorteen hogaan dhaqan.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Xasan Haykal.
Shir muddo ka socday degmada Widh-widh ee gobolka Cayn oo qodobbo laga soo saaray.
DHAGAYSO:Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Talaado_23

Bacaadweyn, Jan, 06- Iyadoo Baliga JEEDALOW ee duleedka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug mudooyinkan dambe shir dhaqameed wadatashi ah uu uga socday Beesha Fiqi Xirsi ayaa maanta waxay ku doorteen hogaan dhaqan.


Shirkan oo mudo 17 bari ah ka socday Baligan JEEDALOW oo 9KM u jira? Bacaadweyn ayaa waxay nabadoonada beesha iyo Ergada Shirkan oo ka koobnayd 150 xubnood oo dalka iyo dibada ka kala timid oo ay dheer yihiin ilaa 70 xubnood oo ka qaybgalayaal ah waxay maanta guddoonsadeen in ay Hogaanka Beesha u doortaan Fiqi Bashiir Cabdille Cismaan Codweyn.


Arrintani waxay ku timid markii ay aad nabadoonada beeshu uga tashadeen cidii xilkaasi u qaban lahayd iyo magaca lagu maamuusayo waxayna isku raaceen in hogaanka dhaqanku uu noqodo Magaca FIQI oo macne weyn oo dhaqan iyo diinba xambaarsan loona gartay Bashiir Cabdille Cismaan Codweyn oo intii uu shirkan socdayna ergadu u dooratay shir gudoonka 1aad.


Ergada iyo ka qaybgalayaasha shirkan oo isugu jira Nabadoonada, Odayaasha Dhaqanka, Aqoonyahanada, Ganacsatada, Dhalinyarada, Culima?udiinka, Haweenka iyo qaybaha kale ee bulshada oo ay ku jiraan dad magacn iyo maamuusba ku dhex leh Umada Soomaaliyeed ee Caalamka kalaba waxayna ka kala yimaadeen gobollada dalka Soomaaliya iyo Wadamada Caalamka meelo badan oo ka mid ah.


Inta shirweynahni uu socday waxaa aad loogu lafagurayay shirweynahan qodobo muhim ah oo la xiriira horumarinta iyo isku duubnida Umadda waxaana ajandaha shirka ka mid ah arrimaha horumarinta, Caafimaadka, Waxbarashada, Nabadaynta iyo Midaynta bulshada, xalinta Khilaafaadyada jira, ka qayb qaadashada waalaynta iyo isku soo dumidda umada Soomaaliyeed, hanashada iyo ka dhabaynta wax wada qaybsiga umadeed, dareensiinta umada midnimada diineed, talo wadaan, Hogaan dhaqan oo lagu midaysan yahay iyo qodobo kaloo farabadan oo dhamaantood horseedaya helitaanka bulsho dhiirran oo Niyaad ahaan iyo muuqaal ahaanba caafimaad qabta.


Shirweynahani wada tashiga ah intii uu socday waxay ergada iyo ka qaybgalayaashu aad uga doodeen qodobadan iyo kuwo kaloo farabadan igaoo u kala hormarinaya sida ay u soo kala horeeyaan una kala muhimsan yihiin waxaana doodii shirkan ka soo baxay aragtiyo muhim ah oo iftiiminaya maqaamka umadeed iyo mustaqbalkii Soomaalinimo oo xambaarsan dareen dhab ah oo walaaltinimo.


Arimaha aadka u muhiimkaa ee in la iftiimiyo u baahnaa waxaa ka mid ahaa intii lagu guda jiray doodaha qodobada Shirweynahan ee Ergada iyo ka qaybgalayaasha waxaa jiray hawl-kooxeedyo si wada jir ah koox koox loogaga doodayo qodobada qaarkood kadibna doodii mugga weynayd la isugu soo laabanayay, qaabkan oo u muuqanaya hab Caalami ah oo la mid ah sida ay u dhacaan Shirarka Caalamiga ah ee aduunka Beeshanina ay noqotay tii ugu horaysay ee arrinkan samaysa Soomaaliya gudaheeda.


Qodobka hogaanka dhaqanka oo ajandaha Shirkan ka dhacay xaruntan Muuqaalka qurxoon ee Beesha FIQI XIRSI ay ka yagleeshay Baliga JEEDALOW uga jiray qodobka ugu dambeeya ayaa waxaa si qoto dheer uga baaraan dagay Indheergaradka Beesha oo ay ku jiraan Nabadoonada iyo Odayaasha oo si gaar ah qodobkan siaga arkay kadibna us oo gudbiyay Ergada iyo ka qaybgalayaasha sidaasna lagu ansixiyay cod aqlabiyad ah oo dhanyahay laguna wada niyadsan yahay.


Beesha FIQI XIRSI waa beel magac ahaan aad looga yaqaano wadanka Soomaaliya iyo daafaha Caalamka, waxaana ka dhashay oo ka soo jeeda rag aqoonyahano iyo Siyaasiyiinba leh oo caan ah, taariikh dheerna ku dhex leh Umada Soomaaliyeed iyo Deegaanka Soomaaliyeedba, Maamuuska Masuuliyadeed ee dhaqanka ku suntan ee beeshu ay leedahay iyo hanaanka xadaarada iyo isbaxnimada ku salaysan ee Beesha iyadoo la tixraacayana waxaa la isku waafaqay in Saldanada Hogaamiyan cusub uu noqdo ?FIQI? looguna yeero Bashiir Cabdille Cismaan Codweyn iyadoo laga rajaynayo hogaankan dhaqan mid dhaxalgal ah oo astaan u noqda hagaajinta Mustaqbalka guud ahaan Umada Soomaaliyeed.

Sawiro naga fisha goor dhaw


Diiwaanka Wararka daljir
Bacaad weyn
(S).

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: