Barlamaanka Kenya oo ka doodaya khilaafka Somaaliya & kenya

HomeWararka

Barlamaanka Kenya oo ka doodaya khilaafka Somaaliya & kenya

Baarlamanka Kenaya ayaa ka dooday khilaafka diblomaasiyadeed ee haatan ka dhex bilaabmay labada dal. Arintan ayaa daba joogta go’aankii ay Soomaaliya

Farmaajo oo shacabka Somaliyeed ugu baaqay ka shaqaynta Amniga
Xulashada Daljir & Xaawo Axmed, Daljir Garoowe (dhegayso)
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhambaal Qoraal ah u diray Madaxa Golaha Madaxtooyada Liibiya

Baarlamanka Kenaya ayaa ka dooday khilaafka diblomaasiyadeed ee haatan ka dhex bilaabmay labada dal. Arintan ayaa daba joogta go’aankii ay Soomaaliya ugu yeedhatay danjiraheeda u fadhiya Nairobi, ee ay sidoo kalena ku wargelisay danjiraha Kenya u fadhiya Soomaaliya inuu dalkiisa wada tashi ugu noqdo.

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in ay go’aankaa ku salaysay Kenya oo ay ku eedeysay inay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya, islamarkaana ka hor imaanaysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dawladaha deriska ah.

Aadan Barre Ducaale oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenya ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ay jawaab wanagsan siisay Dowladda soomaaliya, kadib markii ay qaadatay go’aankii ay Soomaaliya uga saartay Safiirkii Kenya sidoo kale dalkisa kusoo celisay Safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Diwaanka wararka
Warbaahinta

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: