Bankiga dhexe oo dalka ka hirgeliyey lambar-Xisaabeedka Bangiyada Caalamiga ah

HomeWararka

Bankiga dhexe oo dalka ka hirgeliyey lambar-Xisaabeedka Bangiyada Caalamiga ah

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa 27-kii bishan ka mid noqday waddamada ay Bangiyadooda qaateen habka lambarka koontooyinka Bankiyada Caalamaiga ah ee

DFS oo qalab cafimaad garsiisay Gaalkacyo iyo Afmadow (Daawo)
Dowladda Somalia iyo Dowlad Goboleedyada oo ku heshiiyay Midaynta Canshuuraha Dalka (dhegayso)
Madaxweynaha Puntland oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga dalka

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa 27-kii bishan ka mid noqday waddamada ay Bangiyadooda qaateen habka lambarka koontooyinka Bankiyada Caalamaiga ah ee loo yaqaan IBAN.

IBAN ayaa ah hab xisaabeed ay isticmaalaan Bankiyada Caalamka ee ku yaal in ka badan 80 waddan kaas oo ah nidaam fududeeya in si sahlan loo aqoonsado xisaabaadka Bankiyada marka la samaynayo lacag diris.

Hirgelinta barnaamijkan ayaa yareynaya qaladdaadka ka dhasha lacagaha loo kala wareejiyo koontooyin ku yaal Bankiyo kala duwan, wuxuuna sidoo kale door fiican ka ciyaari doonaa barnaamijkan ilaalinta iyo dadejinta lacagaha Bankiyada dalka iyo kuwa Caalamku is-weydaarsado.

Tallaabadan ayaa astaan u ah dedaalka iyo horumarka la taaban karo ee laga sameeyay casriyeynta iyo habeynta hannaanka maaliyadda dalka, taas oo uu horseed ka yahay Bankiga dhexe ee dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: