Bangiga dhexe ee Somaaliya oo war ka soo saaray dab ka kacay xalay Xarunta Bangiga

HomeWararka

Bangiga dhexe ee Somaaliya oo war ka soo saaray dab ka kacay xalay Xarunta Bangiga

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa war uu soo saaray ku sheegay in aany jirin wax khasaare naf iyo mid hantiyadeed oo ka dhashay dabkii xalay ka kacay x

Caawa & Daljir iyo c.xakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo looga hadlay Amniga iyo Tahriibka
Shaqo nooce ah ayuu qaban doona Bangiga Puntland ka hirgalisay Caluula (dhegayso)

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa war uu soo saaray ku sheegay in aany jirin wax khasaare naf iyo mid hantiyadeed oo ka dhashay dabkii xalay ka kacay xarunta Bangiga, dabkana uu ahaa mid ka dhashay fiilo koronto ku xiran mid ka mid ah qolalka dambe ee Bangiga oo aan hada la isticmaalin.

War saxaafadeed

Habeenimaddii xalay ayaa qol ka mid ah xafiisyada dambe Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa ka kacay dab, xilli saq dhexe ahayd.

Dabku waxa uu ka dhashay fiilo koronto oo ku xiran mid ka mid ah qolalka dambe ee Bangiga oo aan hadda la isticmaalin.

Ciidanka ilaalada Bangiga Dhexe ayaa markiiba ogaaday, isla-markaana degdeg u wargeliayay Ciidanka Dabdemiska, Maamulka Bangiga, Hay’adaha amniga iyo Gobolka Banaadir.

Waxaa isla markiiba goobta soo gaaray Dabdemiska oo muddo daqiiqado kooban ah ku demiyay dabkaas.

Ma jiro wax khasaare naf ama hantiyeed oo soo gaaray Bangiga Dhexe, marka laga reebo fiilooyinka korontada ee qolkii dabku ka kacay oo u baahan in la beddelo.

Maamulka Bangiga Dhexe wuxuu u mahad celinaynaa ciidamka dabdemiska iyo hay’adaha amniga oo gacan weyn ka geystay in laga hor tago in khasaare ka dhasho dabkaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: