Bandow lagu soo rogidoono degmooyin ka tirsan Puntland ka hor Doorashada

Bandow lagu soo rogidoono degmooyin ka tirsan Puntland ka hor Doorashada

Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud ayaa Warbaahinta usheegay sheegay in la xiri doona isku socodka Gaadiidka 24 saac laga bilaabo lixda Makhribnimo ee Caawa dhamaan Degmooyinka Gobolka Bari waxaana uu bulshada faray in ay qaataan Awaamiirta.

Taliyaha ayaa faraya ciidamada aan ku jirin howlgalka iney ku sugnaadaan xarumahooda.

25-ka Bishaan oo beri ku beegan ayaa la qorsheynayaa in Saddexda degmo ee kala ah, Qardho, Eyl iyo Ufeyn inay ka dhacaan doorashooyinka Golaha degaan ee qof iyo Cod, waxaana socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay.

Hoos Ka Ahriso Tirada Ururada tartamaya, kuraasta la doornayo, tirada dadka codrynaya iyo musharixiintabtartamaya..

▪︎8 urur siyaasadeed ayaa ku tartamaya.
▪︎54 xarumood ayaa laga codaynayaa.
▪︎37,578 ruux ayaa kaadhadhka qaatay.
▪︎449 musharrax ayaa tartamaya
▪︎87 kursi ayaa lagu tartamayaa.
▪︎Qardho:33 kursi
▪︎Eyl:27 kursi
▪︎Ufeyn:27 kursi

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com