HomeUncategorized

Baarlamaanka Puntland oo la iskugu yeeray kulan aan caadi ahayn.

Garowe, Sept 01 - Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa loogu yeeray isku-imaatin kulan deg-deg ah oo ay yeesheen,

Gobolka Bari oo ku guulaystay tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee Puntland, 2009.
ICC oo maanta su?aalo la xiriira dilka dad rayid ah weydiinaysa madaxweyne ku xigeenka Kenya Rutto
Dhagayso Barnaamijka Subaxnimo ee Saakay iyo Dunida Arbaco 30 March 2016 Wariye Maxamuud Cabdi Ibraahim Daljir Boossaaso

Garowe, Sept 01 – Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa loogu yeeray isku-imaatin kulan deg-deg ah oo ay yeesheen, iyadoo badankoodiina ay ku soo xaroodeen magaalada Garowe oo ah xaruntii dhexe ee dalka, ayna ku taallo goobta fadhi baarlamaan.

Kulanka oo ah mid aan caadi ahayn, ayaa lagu waday in uu maanta furmo, hase ahaatee taasi ma dhicin sababo la xiriira kooramkii xildhibaannada oo buuxsami waayey aawadeed sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanku.

Ajandaha kulankaan aan caadiga ahayn ee loo fariisinayo golaha baarlamaanka Puntland, ayaa ku qotoma wax-ka-baddal la doonayo in lagu sameeyo xeerar la xiriira doorashooyinka Puntland oo horay xildhibaannadu u ansixiyeen, kuwaasi oo guddiga doorashooyinku dalbadeen in lagu laabto qaabkiisii dhigaal.

Xildhibaannada baarlamaanka Puntland, ayaa ku kala maqnaa fasaxyo gobollada iyo degmooyinka ah oo ay u kala ambabaxeen markii uu xirmay kalfadhigii 28-aad ee wakiillada, waxayna haatan ku yimaadeen wargalin fadhigaan la xiriirta oo uu u soo gudbiyey? guddoomiyuhu.

Berri oo Axad ah? ayaa ayaa la filayaa in uu kulankaasi si rasmi ah u furmo marka kooramka wakiilladu uu buuxsamo.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(G).

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: