Baarlamaanka Hirshabeelle oo kordhiyay muddo xileedka Madaxweynaha

Baarlamaanka Hirshabeelle oo kordhiyay muddo xileedka Madaxweynaha

Kalfadhiga 1aad Kulankiisa 10 ee Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa uu ka qabsoomay Caasimada Hirshabelle ee Jowhar

Kulanka oo uu shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Dr. Cabdixakiim Luqmaan xaaji Muxumed oo uu wehlinaayo Gudoomiye kuxigeenka 2aad Mahad Xassan Cusmaan ayaa Ajandahiisu ahaa u codeynta wax kabadalka mudo Xileedka Hay’adaha Dastuuriga Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maadama xildhibaanada wax kabadal ku sameeyeen Qodobada 33aad iyo 50aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo ka hadlaaya Muddada xilheynta Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Hir-Shabeelle ayaa Xildhibaanada kahor Akhriyey Qodobada Dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo ka hadlaaya Awoodaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa Xildhibaanada Faah Faahin kasiiyey Qodobada Dastuurka ee mudan in wax kabadalka lagu sameeyo

Intaas kadib Xildhibaanada ayaa gacan taag ku ansixiyey in Mudo Xileedka Hay’adaha Dastuuriga Dowlad Goboledka Hirshabeelle oo ahaa 4 sano laga dhigo 5 sano.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa ku dhawaaqay Natiijada Codeynta, waxaana uu sheegay kulanka ay xaadir ahaayeen 70 xildhibaan 66 Xildhibaan ay ogolaatay saddex ay diiday halna uu ka aamusay sidaasina uu ansax ku yahay waxka bedelka lagu sameeyay Hay’adaha dastuuriga ah ee dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com