Baaq Nabadeed oo ka yimid Caasha Gelle oo Ka mid ah Waayeelka iyo Siyaasiyiinta Puntland

HomeWararka

Baaq Nabadeed oo ka yimid Caasha Gelle oo Ka mid ah Waayeelka iyo Siyaasiyiinta Puntland

Bismillaahi Rahmaani Raxmiin aniga oo aad uga tiiraanyaysan dhacdada dagaal oo maanta ka dhacday Bossaso, waxaan soo jeedinayaa baaq nabadeed, Ciidam

QARDHO: Shaqaalaha iyo ciidanka madaxtooyada oo raashin wareejiyey
Warkii Xulashada Daljir iyo Deeqo Ladan (dhegayso)
Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay Geerida Xoghayihii Rugta Ganacsiga jubbaland

Bismillaahi Rahmaani Raxmiin aniga oo aad uga tiiraanyaysan dhacdada dagaal oo maanta ka dhacday Bossaso, waxaan soo jeedinayaa baaq nabadeed,
Ciidamada Dawlada iyo Ciidanka PSF waxaan ka codsanaynaa in aanay xabad dambe ku ridin shacabka dhexdiisa aadna isku xakameeyaan inta si nabad ah loogu soo afjarayo xaalada Jirta.

Waxaa baaqaygu toos ugu socdaa Madaxwaynaha sharafta leh ee Dawlada puntland ,Madaxwayne ku xigeenka, Gudoomiyaha baarlamaanka iyo dhamaan waxgaradka golayaasha dawlada waxaan idinka codsanayaa idinkoo hoos u eegaya khataraha ka iman kara dagaalka iyo ka faa’iideysiga iman kara , una danaynaya shacabka aad masuuliyada u haysaan, amniga guud ee magaalada iyo ilaalinta hantida iyo agabka magaalada ganacsiyeedka Puntland.

Mudane Madaxwayne Anigoo og in masuuliyada Puntalnd iyo amnigeedu idinka idin saaran yahay,hadana cida laga rabo masuuliyadda Tanaasulka, dulqaadka iyo Illaalinta shacabka iyo hantidooda waa Dawlada Puntland.

Waxaan markale Madaxwayna iyo madaxda kale ka codsanayaa in aad 100% Xakamaysaan in aan xabad kale dhicin, amniga magaalada la xasiliyo xal nabadeedna lagu dhameeyo si aan gacmo badani uga faaidaysan shqaaqadaan.,Ciidamada magaalada laga saaro si shacabku ugu kalsoonaado in aanay barakicin.

Dhamaan waxgaradka Puntland, dal iyo dibad waa in ay dagdag ugu istaagaan xalinta shaqaaqoada Bossaso si aanay raad xun u reebin.

Dhamaan waxgardka, culumada ,isimada iyo Haweenka iyo dhalinyarada ku sugan Gudaha Puntand waa in ay qayb ka noqdaan xakamaynta dagaal dambe oo dhaca Bossaso.
Ugu dambayn Mudane madaxwayne waxaan kaa rajeynaynaa in aad baaqayaga maqasho xabad dambena aanay ka dhicin Bossaso si amniga , degenaanshaha iyo ganacsiga magaalada aanay waxyeelo u gaarin.

Warbaahinta Soomaaliyeed waxaan ka codsanaynaa in aanay shaqo ka dhigan buubuuninta dagaalada, waxaana idinkugu baaqayaa in aad wanaagaga iyo badqabka shacanka ka shqaysaan.

Inta dhimatay allaha u naxariisto inta dhaawacantayna allaha u boogadhayo, intaas inay nooga ekaato baan illaah ka baryanaa.
Wa bilaahi Tawfiiq.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: