Axmed Madobe oo shir kaga qayb galay dhinaca Internetka Zoom Meeting

HomeWararka

Axmed Madobe oo shir kaga qayb galay dhinaca Internetka Zoom Meeting

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka qaybgalay shir dhanka foggaan araga ee muuqaalka la iska arko Zo

Warka Arooryo iyo Cumar Lakiman, Daljir Bossaso (dhegayso)
Sidee ayay ciidamada PFSta ugu guulaysteen in ay fashilaan qaraxyadii lagu aasay bartamaha Boosaaso? (daawo)
Dagaal khasaare geeystay oo ka dhacay gobalka Galgaduud

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka qaybgalay shir dhanka foggaan araga ee muuqaalka la iska arko Zoom Meeting, kaasoo soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay.

Shirkan oo qeyb ka ahaa shirar taxane ah oo Qaramada Midoobey Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada u qabaneysay dhanka Online-ka ayaa looga hadlayay geeddi socodka siyaasadda Soomaaliya.

Waxaa shirkan dhanka muuqaalka ee Madaxweynaha Jubbaland ka qeyb galay ka mid ahaa Wakiilkada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada UK, Norway, Sweden , Germany Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo Wakiilada iyo Madaxda Ururada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa faafida Xanuunka Covid19 oo kiisas kala duwan laga helay Jubbaland, qaar ka mid ahna ay u dhinteen waxaa kale oo lagaga hadlayay kulankan Arimaha amaanka iyo Doorashooyinka heer Federaal ee fooda inagu soo haya sidii ay ugu dhici lahayeen si nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah wakhtigooda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: