JAWI ROOBAAD AYAA KA JIRA BADANKA XEEBAHA PUNTLAND SAACADIHII U DAMBEEYEYNA WAANA DA’AYEY.

JAWI ROOBAAD AYAA KA JIRA BADANKA XEEBAHA PUNTLAND SAACADIHII U DAMBEEYEYNA WAANA DA’AYEY.

Saacadihii u dambdeyey badanka xeebaha Puntland waxaa ka da’ayey roobab aan karaar ku socon oo si dhabacle ah u hoorayey kaasi si siman deegaannada xeebaha u wada qabtay.

Deegaannada qaar roobaabku waa xoogganaayeen, lama soo sheegin illaa hadda waxyeello roobkaasi ka dhalatay iyo daadad ka dhashay toona.

Horay waxaa u jirtay saadaal roobab dabaylo wata oo ku soo beeggan xeebo badan oo Soomaaliya ah, gaar ahaan kuwa Puntland, kuwaasi la qiyaasayey kowda illaa labada bisha Jannaayo ee sannadka cusub ee 2023.
Xeebaha gobollada Sanaag, Bari, Gardafuu iyo Karkaar ayaa ka mid meelaha ay roobabku ka da’een, welina ay ka socdaan.

Magaalada Bossaso saaka illaa xalay fiid horaadkii waxay ku jirtaa jawi roobaad, iyadoo cirku uu daruuraysan yahay, dhibicduna ay da’ayso, waase dhabacle aan daad iyo diiqalyo toona lahayn.
Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com