Astaantii iyo iftiinka umadda Soomaaliyeed (Qormo)

Astaantii iyo iftiinka umadda Soomaaliyeed (Qormo)

Hogaamiyuhu waa geed har weyn oo lagu hirto. Hogaamiyihu wuxuu isku tole, afhayeen, howl wadeen iyo badbaadiye bulsho sidoo kale waa waa hormuud bidhaamiya, haga aragtida iyo fekradaha bulsheed si guud ahaan ah.

Soomaaliya Waxay soo martay xilliyo adag iyo duruufo qallafsan, mar kastana ay, gargaarka Eebbe ka sokow, u baahnayd hoggaan toosan Sida Hogaamintan Uu Gadhwadeenka Ka Yahay Maxamed Cabdilahi Farmaajo, misana, inta la hayo taariikhda ma soo marin mar ay uga baahi badan tahay:
Xaqiiq Madaxweynaheena Dalka Waa hoggaan leh diin, dareen iyo dadnimo; hoggaan dalkaan iyo dadkaan aan iib ku raadinayn; hoggaan leh garasho dheeri iyo xilkasnimo;

hoggaan leh aqoon iyo waaya’aragnimo; hoggaan fahansan jihada caalamku u socdo, abuurina kara siyaasaddii gundhigga u noqon lahayd qorshe lagu higsado himilooyinka horummar ee umadaha kale higsanayaan;

Waa hoggaan fahansan muhimadda dawlad-wanaagga iyo xisaabtanka; hoggaan caan ku ah daacadnimo, hufnaan, iyo hiraal;

hoggaan ku dhex nool, fahansanna duruufaha nololeed ee shacabkiisa; hoggaan si sharci ah ku yimid, xushmadna u haya sharciga; hoggaan toosin kara damiirka iyo dadnimada dadka una jihayn kara dhanka mustaqbalku ka jiro sidoo kalana abuuri kara Hiraal (Vision);

Maxamed Cabdilahi Intaan Ku Aqaan waa hoggaan damaciisu ka xeeldheeryahay xil la qabto oo Kaliya; Waa Marag madoonto,
waa hoggaan soo nooleeyay amalkii iyo rajadii Soomaaliya.

Hogaamiyuhu sidiisaba Kiisa wanaagsani wuxuu qeyb muhiim ah ku leeyahay horumarinta iyo dhisida dal Wana Mida Ay Madaxda Caalamku Ku Amaanayaan Madaxweyne Farmaajo, Biladana Ku Gudoonsiinayaan sidoo kale hogaamintu waa awood lagu odoroso mustaqbalka, dabadeedna lagu soo bandhigo wadadii la qaadi lahaa si loo gaaro mustaqbalkaa.

Hogaamiye Maxamed Cabdilahi Farmaajo in uu keeno guul iyo rayn rayn waxeey ka Tusaale tahay Soo Noqoshada soomaaliya

Siyaasi: Siciid Cali axmed Qurbaawi

Xisbiga Hiigsi Qaran(Somalia)

Allah Mahad Leh

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0