Alshabaab oo xalay weraar ku qaaday bar kantarool oo ku taala Jowhar

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in saddex ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen ciidamo boolis ah ay ku dhinteen mid kalana uu ku dhaawacmay kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen bar koontarool oo ku taal magaalada Jowhar.

Iskahorimaadka hubeysan ee dhex maray ciidamada booliska ee ku sugnaa barta kontarool ayaa dhacay saqdii dhex ee xalay iyadoo dadka ku dhintey uu ka mid ahaa qof rayid ah oo degenaa meel ku dhow barta koontarool oo ku taal xaafada Hantiwadaag.

Barta koontarool ee xalay la weeraray ayaa waxaa dhowaan lagu wareejiyay ciidamo Boolis ah iyadoo hore ay halkaa ay ugu sugnaayeen ciidamo Milatari ah.

Baraha Koontarool ee ciidamada Booliska la dejiyay ayaa waxaa ka ag dhow xaafado dad rayid ah degen yihiin,waxaana soo wajahay dadka degen xaafadahaas cabsi.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com