ASKARI DOOLOW KA GEYSTAY DIL IYO DHAAWAC OO ISNA MAANTA MEEDKIISA LAGA HELAY DULEEDKA MAGAALADA

HomeWararka

ASKARI DOOLOW KA GEYSTAY DIL IYO DHAAWAC OO ISNA MAANTA MEEDKIISA LAGA HELAY DULEEDKA MAGAALADA

Askari katirsanaa ciidamadii uu maamulayey wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur 'Janan' oo saddex habeen ka hor geystay wee

Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)
Dhalinyaro Somaaali Maxaabis ah oo lagaso dajiyaay Muqdisho (Sawiro)
Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Askari katirsanaa ciidamadii uu maamulayey wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ‘Janan’ oo saddex habeen ka hor geystay weerar askar kale oo ay isku ciidan ahaayeen, ayaa isna saaka meydkiisa laga helay meel aan ka durugsanayn xeradii ciidan ee uu weerarka ka geystay.

Meydka askariga ee maanta la helay oo muujinayey dhimasho habeenno ka hor dhacday ayaan si rasmi ah loo ogayn wax sababay maadaama askarigaasi markii uu geystay weerarka dhimashada iyo dhaawaca keenay uu meesha ka baxsaday, waxaase saraariil ciidanka ahi ay warbaahinta Daljir u sheegeen in la aaminsan yahay in ay haleeshay rasaas badan oo ciidanku furay markii weerarku dhacay.

Askariga dilka iyo dhaawac u geystay isla asakarta kale ayaa weerarka qaaday xilli habeenbimo ah, iyagoo ku sugnaa bannaanka xerada ciidaankaasi uu degganaa, waxaana weerarkaasi ku dhintay hal askari labo kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Alshabaab ayuu horay uga soo goostay, muddana waxaa uu ka mid ahaa ciidamada heshiiska dawladeed ku soo xarooday ee ka amar qaadanayey wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdiŕashiid Janan.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: