Aqalka Sare Soomaaliya oo soo dhoweeyey guddi kala shaqaynaya xukuumadda khilaafka maamul goboleedyada

Aqalka Sare Soomaaliya oo soo dhoweeyey guddi kala shaqaynaya xukuumadda khilaafka maamul goboleedyada

Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya ee Aqalka Sare ayaa soo dhoweeyey guddi raysal wasaaraha Soomaaliya uu magacaabay oo Golaha Aqalka Sare kala shaqaynaya sidii xal loogu heli lahaa khilaafka dowlad goboleedyada iyo dowladda faderaalka Soomaaliya.

“Waxaan marka hore mahad u celineynaa xukuumadda federaalka Soomaaliya oo na soo siisay jawaabtii aan ka sugeynay oo nasiineysa fursad aan ku hawlgalno, waxaan rabnaa in aan ka shaqeyno siddii dalkeenu u gaari lahaa nabad, wadashaqeyn iyo midnimo”. ayuu yiri guddoomiyaha golaha Aqalka sare.

Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka kooban afar xubnood oo ay ka mid yihiin wasaaradaha arrimaha gudaha, dastuurka iyo maaliyadda, kuwaasi oo jawaab looga dhigay warsaxaafadeedkii Aqalka Sare uu ku dalbaday inay dowladda jawaab ka bixiso khilaafka kala dhaxeeya dowlad goboleedyada.

Madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Jubba Land, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa ku shirsan Garoowe, waxaana la filayaa inay warmurtiyeed soo saaraan.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com