Antonio Guterres: “Waa in si dhaqso ah lagu hirgeliyo heshiiska doorashada ee shalay la saxiixay”

HomeWararka

Antonio Guterres: “Waa in si dhaqso ah lagu hirgeliyo heshiiska doorashada ee shalay la saxiixay”

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay heshiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay is

Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo Digniin Culus Ku Dhawaaqday (dhegayso)
Wararkii Ugu dambeyeey ee Khasaaraha Weraarkii Nairobi
Wasiir dowlaha wasaaradda amniga gudaha Galmudug oo tababar u soo xiray ciidamo gaaraya 200 askari

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay heshiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay isagoo ku baaqay in si dhaqso ah loo hirgeliyo heshiiska la gaaray.

“Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska ay wada gaareen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ee ku saabsan hirgalinta Qaabkii doorashada ee 17ka Sebtembar taasoo ka dhalatay shirkii shirkii uu isugu yeeray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.”ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray afhayeenka Xoghayaha Gud ee Qaramada Midoobay Stéphane Dujarric

Sidoo kale Xoghayaha ayaa ku booriyay dhammaan daneeyayaasha inay si dhakhso leh u hirgeliyaan heshiiska, oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaadayo qabashada hanaan doorasho oo la oggol yahay oo hufan oo aan dib-u-dhac dambe ku imaan.

“Xoghayaha guud wuxuu mar kale ku celinayaa muhiimada wada hadalka iyo is af garadka si loo xaliyo qodobo kasta oo ka dhalan kara inta lagu guda jiro hirgalinta, wuxuuna ku baaqayaa in si deg deg ah loo dhiso hay’ado lagu kalsoonaan karo oo maamulka doorashada heer federaal iyo heer maamul goboleed si howsha loo qabto.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: