Wararkii Ugu dambeyeey ee Khasaaraha Weraarkii Nairobi

Wararkii Ugu dambeyeey ee Khasaaraha Weraarkii Nairobi

Inta la xaqiijiyay 16 qof ayaa ku dhimatay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen dhismo ay ku yaalleen xafisyo dhowr ah Magaalada Nairobi.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dad sidoo kale weerarka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 30 qof.

Weerarka ayaa waxaa sheegtay mas’uuliyiiddiisa ururka Al Shabaab ee ka dagaallama dalka Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in ay halkaasi ku dileen tiro ka badan 40 qof.

Boqolaal shacab ah ayaa laga soo daadgureeyay dhismaha halka dadka dhaawaca loo qaaday isbitaallada ku yaalla magaalada Nairobi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com