HomeUncategorized

Annadiif oo Baydhabo u tegay u kuur-gelidda howlaha AMISOM ee Bay iyo Bakool

Baydhabo, November 18, 2013 - Magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Baay, waxaa maanta gaaray danjiraha midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Mohamed Salah Annadiif, waxaa si diiran loogu soo dhoweeyey.

Marwo Caasha Geelle Diriye oo booqasho hawleed uga bilaabatay Washington D.C.
DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida _Jimco_04
Puntland oo Daawooyin lagu wareejiyey (Dhegayso)

Baydhabo, November 18, 2013 – Magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Baay, waxaa maanta gaaray danjiraha midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Mohamed Salah Annadiif, waxaa si diiran loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee xaruunta Baay.

Mudane Annadiif ayaa saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo, isagoo sheegay in muhiimada safarkiisa ay tahay u kuur gelida sida ay u socdaan howlaha ciidamada midowga Afrika ee gobollada Baay iyo Bakool.

?Howlaha amniga sida ay u socdaan ayaan fiirin doonaa, waxaan u kuur geli doonaan arrimaha howlgalka.? Ayuu yiri Annadiif oo saxafiyiinta kula hadlayey Baydhabo.

Odoyaasha dhaqanka Baydhabo iyo danjire Annadiif waxaa ay isla maanta kulan ku qaateen gudaha Baydhabo iyagoo inta badan diirada saaray sida ay u socdaan howlaha howl-galka AMISOM ee gobolka, welina lama soo saarin natiijada kulanka.

Mohamed Salah ayaa sidoo kale booqday halka uu ka socdo shirka maamul u samaynta gobollada Baay iyo Bakool ee baydhabo ka furan, wakiilka ayaan la aqoon xilliga uu ka soo noqon doono Baydhabo waxaase uu samayn doonaa kormeero badan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: