Amniga guud ee gobalka Gedo oo laga shiray

Amniga guud ee gobalka Gedo oo laga shiray

Shirka oo looga hadlayey sare u qaadida Nabadgalyada iyo Ammaanka guud ee Degmooyinka iyo degaannada, Gobolka Gedo ayaa waxaa lau qabtay Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiisha ugu sarreeysa Ciidamada Boolisk, Nabadsugida, Militeriga, Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo, Maamulada Doolow & Beled-Xaawo.

Inta uu socdey shirka ayaa waxaa la isku weydaartey, xogaha amni ee muhiimka gaarka ah u leh Bulshada Soomaaliyeed, iyada oo la is farey in si wadajir ah la isaga kaashado.

Mas’uuliyiinta Maamulka gobolka Gedo ayaa faray dhamaan ciidamada qaybahooda kala duwan ee ku sugan Gobolka Gedo in ay sii laba jibaaraan Shaqooyinka Bulshada u hayaan iyo in si dhow ula socdaan dhaqdhaaq kasta oo Al-Shabaab ku doonayso in ay weeraro uga fuliso Gobolka Gedo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com