Amniga  Boosaaso oo laga shiray

HomeWararka

Amniga Boosaaso oo laga shiray

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Saaka Shir guddoominayey kulan ay ka wada qeyb galeen Dhamaan Sarakiisha Boolis

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dalka dib ugu soo laabtay kana hadlay safarkiisii Kenya
Maxay kawada hadleen Taliye Xijaar & Sheekh shariif?
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo sheegay inay si deg deg ah Sool u xoreynayaan (Daawo)

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Saaka Shir guddoominayey kulan ay ka wada qeyb galeen Dhamaan Sarakiisha Booliska Bosaaso kaas oo ku saabsana Xoojinta iyo muhiimadda ay u leedahay wada shaqeynta dhinacyada kala duwan ee ammaanka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la dardargeliyo istiraatiijiyadda amniga si looga hortago falalka dhibaatada ku ah amaanka

Taliyaha ayaa ayaa si gaar ah ugula dar-daarmay Saraakiisha amniga in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada Degmada Bosaaso taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta Gobalka Bari”

Ugu danbeyn Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen ayaa sheegay in la joogteynayo kulamada la isku weydaarsanayo xoojinta wada shaqeynta amniga, sidoo kalena dadaal dheer la gelin doono kor u qaadista wacyi gelinta bulshada oo Sanadihii iyo muddooyinkii la soo dhaafay si huffan ula shaqeynayay Ciidamadda ku howlan ammaanka Guud ahaan Gobalka Bari isagoona sheegay in Bulshada ay tahay lamataabtan madaama ay si wanagsan ay qeyb uga yihiin Guulaha laga gaaray amaanka Magalada Bosaaso.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Golaha Shacabka, iyada oo amniga magaalada siweyn loo adkeeyay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: