Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dalka dib ugu soo laabtay kana hadlay safarkiisii Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dalka dib ugu soo laabtay kana hadlay safarkiisii Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay dhowr maalmood uu ugu maqnaa magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugnaa Kenya kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Safaarada iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqanka dalkaas.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo uga mahad naqay dhammaan intii soo dhoweysay waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu Muqdisho dib ugu soo laabto.

Safarka uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu maqnaa dalka Kenya ayaa qeyb ka ahaa dib u dhaca ku yimid Kulankii Golaha Shacabka ee lagu doonayay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ku horgeeyo Xildhibaannada si ay codka kalsoonida u siiyaan

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com