HomeWararka

Amnesty International: “Cabdirashiid Janan waa in caddaaladda la hor keenaa”

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay caddaaladda horgeyso Cabdirashiid Janan oo maa

Shimbir, Xisbiga Midnimo: “Soomaaliya ma Nihin waa Hadal Been ah Mana aha Kaan Hargeysa ugu Tagnay”
Khidmadda Isdiiwaangelinta Ururada Siyaasadeed ee Puntland oo La Yareeyey iyo Waqtiga oo La Kordhiyey (dhegayso)
Qarax khasaare dhaliyeey oo ka dhacay Muqdiso & Booliska oo faahfaahiyeey

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay caddaaladda horgeyso Cabdirashiid Janan oo maanta la sheegay inuu soo galay gacanta dowladda.

Qoraal kooban oo ku qornaa luuqada Ingilishka ayay Hay’adu soo dhigtay barteeda Tuweeterka.

Cabdirashiid Janan ayaa muddo sannad ka badan ku sugnaa deegaanno kala dambeeyey oo ku yaalla isgalaha xudduudda Soomaaliya iyo Kenya, halkaasi oo uu tagay kadib markii gobolka Gedo ay ka curteen ismaandhaafyo siyaasadeed oo guud ahaan taabanayey Jubbaland, kalana dhaxeeyey dawladda federaalka, khilaafyadaasi oo abuuray isku dhacyo hubaysan oo dhimasho iyo dhaawacba keenay, aakhirkiinna looga saaray gobolka Cabdirashiid Janan iyo maamulkii uu wasiirka amniga u ahaa ee Jubbaland, waxaana muddadaas sannadka ka badnayd gobolka gacanta ku haysay dawladda federaalka amni ahaan iyo maamul ahaanba.

Shalay ayaa Cabdirashiid Janan waxaa lagu soo dhaweeyay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Akhriso

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: