Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo qado Sharaf u sameyey wafdiga Madaxweyne Deni (Sawiro)

HomeWararka

Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo qado Sharaf u sameyey wafdiga Madaxweyne Deni (Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay qado sharaf uu Madaxweynaha iyo wafdigiisa u sameeyay Amiir Maxamuud

Shacabka Garoowe & dareenkooda soodhaweynta musharrax Xasan Shire Abgaal
Muuse Bixii oo oday dhaqameedka Hargeysa u sheegay “Laascaanood gala ha la idin ku laayee!”
Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay qado sharaf uu Madaxweynaha iyo wafdigiisa u sameeyay Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise .

Xafladda oo ka dhacday beerta Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise oo ku taalla banaanka magaaladda Gaalkacyo, waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ahna Guddoonka Guddiga dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, Isimada dhaqanka Gobolka Mudug, Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, Siyaasiyiin iyo qeybaha kale ee Bulshada.

Madaxweynaha oo ka mahadceliyey munaasabadda qado sharafta ah, ayaa hoggaanka dhaqanka Iyo Masuuliyiinta kulanka ka qeybgalay kula dardaarmay illaalinta midnimada, nabadgelyada iyo horumarka Gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: