HomeUncategorized

Amaanka iyo dhaq-dhaaqa ganacsiga Boosaso oo maanta caadi ah xili xalay la weeraray xabsiga dhexe

Boosaaso, November 9, 2013 - Xaaladda amaan ee magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta dagan, kadib weerar xalay lagu qaaday xabsiga dhexe ee magaalada Bosaaso.

Dawladda iyo mucaaradka oo siyaabo kale duwan uga hadlay dagaalkii shalay ka dhacay Muqdisho. [Akhris …]
Xasan Sheekh: Tallaabada baarlamanka Galmudug ee beddelka Qodobka ku saabsan Xadka waa mid Abuureysa jawi is Afgarad’’
Soomaaliland iyo Ethiopia oo ka shiray soo celinta duulimaadkii Ethopian Air ee la hakiyey

Boosaaso, November 9, 2013 – ?Xaaladda magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta dagan, kadib weerar xalay lagu qaaday xabsiga dhexe ee magaalada Bosaaso.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay taliye ku xigeenkii xabsiga Bosaaso Cabdiraxmaan Abshir, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay taliyihii saldhiga Shire Siciid Maxamed oo firir uu kasoo gaaray weerarkan.

Saraakiisha amaanka ee Puntland oo la xiriirnay aya ka gaabsaday dhacdadan inay faahfaahin ka bixiyaan, kooxihii weerarka soo qaaday ayaa baxsaday mana cadda khasaaro inuu kasoo gaaray iyo in kalle.

Ciidamada Puntland ayaa la maqlayay rasaas goos goos ah oo ay ka ridayeen saldhigyada magaalada Bosaaso, waxaana weerarka uu joogsaday kadib markii ay soo galeen ciidamada PIS-ta ee Puntland oo dib u celiyay kooxihii weerarka soo qaaday.

Dhaqdhaqaaqii ganacsiga ayaa sicaadi ah u bilowday, mana jirto saamayn weeraradaasi ay ku yeesheen adeegyadii magaalada ka jiray marka laga reebo shacabka oo arintaan siweyn u hadal haya.

Diiwaanka wararka

Daljir Bosaso.

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: