Ra?isal wasaare Saacid oo canbaareeyey weerar culus oo xalay lagu qaaday Makka Al-mukarama

Muqdisho, November 9, 2013 – Ra?isal wasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi faarax shirdoon ayaa canbaareeyey qarax khasaare badan dhaliyey oo xalay lala eegtay hotelka Maka Al-mukarrama ee Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra?isal wasaaraha ayaa lagu sheegay in ay xukuumadu ka xuntahay qaraxa, isla markaasna uu ra?isal wasaare Saacid tacsi u dirayo ehelka dadkii wax ku noqday weerarkii ismiidaaminta ah ee xalay dhacay.

Qoraalka Shirdoon ayaa lagu dheleeceeyey Al-shabaab ?Waan canbaaraynaynaa weerarkan fulinimada ah. Waxaa xaqiiqo ah in weerarradan qorsheysan ee argagixiso ay ka dambeeyaan kuwo arxan-daran oo cadow ku ah qarannimada iyo horumarka Soomaaliya?

Ra?isal wasaare shirdoon waxaa uu rajeeyey in kooxda Al-shabaab aysan caqabad ku ahaan doonin dadka iyo dalka Soomaaliyeed wakhtiyada dhow.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0