Amaanka Boosaaso oo laga shiray, Xili ay wali taagan tahay khilaafkii PSF & Madaxtooyada

HomeWararka

Amaanka Boosaaso oo laga shiray, Xili ay wali taagan tahay khilaafkii PSF & Madaxtooyada

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa maanta oo khamiis ah gudoomiyey shir khamiiseedka ee saraakiisha booliiska gobolk

Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bosasso (dhegayso)
Duqa Muqdisho oo shaqada ka joojiyey shaqaale cabirey oo bixiyey dhul waddo ah
Madaxweynaha Puntland oo Booqday Qabriga Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa maanta oo khamiis ah gudoomiyey shir khamiiseedka ee saraakiisha booliiska gobolka bari.

Shirka ayaa looga hadlay amaanka guud ee gobolka bari iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xaaladaha amni, taliyaha ayaana saraakiisha ka xog wareystay xaaladihii ugu danbayey ee amaanka guud ee gobolka.

Shirka waxaa ka qayb galay Hogaan ku xigeenka CID Aadan Axmed Cali,Taliyaha qaybta booliiska Gobolka Bari G/sare Cabdiqaadir Jamac Diri,Taliye kuxigeenta qaybta Khaalid Maxamed Cabdiraxmaan iyo saraakiisha gobolka Bari.

Ugu danbayna taliyaha ayaa bogaadiyey amaanka guud ee gobolka iyo sida markasta ciidanka boolliiska ugu heegan yahiin suguda amaanka.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli aan weli wax xal ah laga gaarin khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Saraakiisha Ciidamada PSF ee ka dhashay xilka qaadistii lagu sameeyay Agaasimaha Ciidanka PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: