Al-Shabaabki ugu badnaa oo lagu dilay dagaal ka dhacay Hiiraan

Al-Shabaabki ugu badnaa oo lagu dilay dagaal ka dhacay Hiiraan

In ka badan 100 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu dilay dagaal culus oo ay ciidamada xoogga dalka oo kaashanayay dadka deegaanka ay Al-Shabaab kula galeen deegaannada Garas Magan iyo Ceel-Hareeri ee gobolka Hiiraan.

Sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga General Cabdullaahi Cali Caanood dagaalkan oo socday shalay ilaa xalay ayaa AL-shabaab looga dilay tiro ka badan 100 ka tirsan maleeshiyadeeda, wuxuuna intaas ku daray inay aheyd markii ugu horreysay oo 100 Al-Shabaab ah hal mee lagu dilo tan iyo biloowgii dagaallada ka dhanka ah maleeshiyadan.

Waxa uu sheegay in laba cutub oo ka tirsan ciidamada Danab ay ka qeyb galeen dagaalkaas.

General Caanood ayaa sidoo kale sheegay in duqeyn dhinaca cirka ah loo adeegsaday dagaalkan, inkasta oo aanu sheegin cidda ka caawisay duqeybtaas.

Waxa uu sheegay in dagaal kale uu xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Garas Magan oo ka tirsan degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ciidan Al-Shabaab ah oo gurmad ahaan ugu socday Ceel Hareeri ay ciidanka xoogga dalka kula galeen dagaal culus, oo markii dambe lagu jabiyay maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhinaca kale wuxuu General Caanood sheegay in Al-Shabaab ay gaari qarax siday kusoo weerareen deegaanka Masaajid Cali Guduud, laakiin ay ciidamada dowladdu fashiliyeen qaraxaas, kaddibna ay gubeen baabuurkii qarax siday.

Generaal Caanood ma sheegin haddii ay jiraan khasaare dagaalkan kasoo gaartay ciidamada dowladda Feeraalka iyo dadka deegaanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com