Al-Shabaab oo qarxiyay ceelal iyo xarumaha isgaarsiinta deegaanno ka tirsan Galmudug

Al-Shabaab oo qarxiyay ceelal iyo xarumaha isgaarsiinta deegaanno ka tirsan Galmudug

Xubno katirsan Al-shabaab ayaa xalay qarxiyay matoorada ceelasha biyaha, baraago iyo xarumaha isgaartiinta magaalooyinka Maarsamage iyo Cadokibir oo hoostaga degmada Baxdo ee gobolka Galguduud.

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareediyo ku sugan deegaannadaay weerarada kadhaceen ma jiro khasaare nafeed oo ka dhashay weerarka ay Al-shabab xalay kusoo qaadan magaalooyinkan.

Deegaannadan oo markii horeba ay ka jirtay biyo la’aan la xiriirta ceelasha oo ku yar iyo baaxadda abaaraha ayaa hada wajahaya dhibaato dhinaca biyaha ah.

17-kii bishii June ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degmada Baxdo, waxana iska difcaanay dadka degaanka oo hubka qaatay, iyada oo ay sheegeen masuuliyiinta Galmudug in Al-Shabaab looga dilay weerarkaas ku dhawaad 100 Xubnood.

Wixii markaas ka dambeeyay ayay dadka deegaannada ku dhow Baxdo waxay sheegeen inay la kulmayeen hanjabaadyo iyo cunaqabateyn uga imaaneysay dhinaca Al-shabaab, kuwaas oo ay ka mid yihiin deegaannada qaarkood ay ka jareen isgaarsiinta.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com