Al-shabaab oo la wareegay deegaanka Daynuunaay ee duleedka Baydhabo

Al-shabaab oo la wareegay deegaanka Daynuunaay ee duleedka Baydhabo

Ururka Al-shabaab ayaa la wareegay deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay, kadib weerar ay ku qaadeen subaxnadii hore ee maanta.

Weerarka ayaa la sheegay in loo adeegsaday madaafiic kale duwan, waxaana horay u joogay ciidamo katirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dowladda dhexe, kuwaasi oo sameeyey iska caabin xoogan.

Rasaasta dhinacyadu ay iswaydaarsanayeen ayaa laga maqlayay magaalada Baydhabo.

Daynuunaay ayaa 25km dhanka Bari ka xigta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana ay isku xirtaa magaalooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com