Al-shabaab oo la wareegay deegaanka Afurur ee gobolka Bari

HomeWararka

Al-shabaab oo la wareegay deegaanka Afurur ee gobolka Bari

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi ay lawareegeen Saaka waabarigii kooxda Al-shabaab  sida ay Warb

Hay’adaha Ammaanka ee Puntland iyo Culimaa’udiinka oo ku kulmay Garoowe (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
MAANHADAL: Saxaafadda Soomaaliya iyo dhibaatada ay wajahaan (dhegayso)
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi ay lawareegeen Saaka waabarigii kooxda Al-shabaab  sida ay Warbaahitooda ku hadashay afka Al-shabaab ay ku soo qoreen..
Ciidamadii ku sugna Deegaanka Af-urur ayaa lagu soo waramayaa in ay ka baxeen bariisinkii ay ku lahaayeen Deegaanka.
Wararka ayaa istaasi ku daraya in goob fagaare ah ay kula hadleen Al-shabaab dadka deegaanka .
Lama oga ilaa iyo hada in ay Al-shabaab dad ku dileen Deegaanka iyo inkale ,waxaana la ogayn sababta ay Ciidamada uga baxeen deegaanka Af-urur.
Wararka aan halayno ayaa sheegaya in Ciidamo Gurmad ah ay ka baxeen saaka Magaalada Bosaaso ,mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Puntland iyo Maamulka Gobolka Bari ,iskuday badan oo aan la samaynay Maamulka Gobolka ayaan noo suurta galin in ay Tel foonka ka jawaabaan .
Sanadkii 2017kii ayay ahayd markii ay Al-shabaab sidan oo kale ay soo weerareen  Saldhig Ciidamada Puntland ay ku lahaayeen Deegaankaasi waxaana Weerarkaasi ku dhintay ilaa 61 Askari.
Af Urur waxa ay saldhig u tahay ciidamada Daraawiishta ee ku sugan buuraha Galgala, waxayna  105 km koonfur galbeed kaga beegan Magaalada Boosaaso ee xarrunta Ganacsiga Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: