Wariyihii caanka ahaa ee Yoonis Cali Nuur oo ku geeriyooday London

Wariyihii caanka ahaa ee Yoonis Cali Nuur oo ku geeriyooday London

Allaha ha u naxariistee waxaa magaalada London ee xarunta dalka UK ku geeriyooday wariyihii caanka ahaa Yoonis Cali Nuur oo ka mid ahaa wariyeyaashii ugu waawaynaa ee BBC-da.

 

Waxaa uu saxaafadda ku soo biiray sanadkii 1973, isagoo ka shaqo bilaabay Radio Muqdisho, sidoo kale sanadkii 1983 ayuu ku biiray Idaacadda BBC.

Yoonis Cali Nuur waxaa uu dhashay sanadkii 1952, isaga oo ku dhashay deegaanka Arabsiyo ee agagaarka magaalada Hargeysa.

Waxaa uu muddooyinkii u dambeeyay la taliye u ahaa Wasiirka Warfaafinta Somaliland, isagoo mar ka shaqeeyay warbaahinta dowladda, gaar ahaan Telefishinka Somaliland ee SLNT.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com