Akhriso:- Khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Akhriso:- Khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Khasaaro isugu jira dhimasho dhaawac ayaa ka dhashay dagaal xoogan oo Maanta degaanka Huurweyne oo qiyaastii 2km u jira degaanka Nuurdugle oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ku dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya dadka degaanka iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan ururka Al-Shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen degaanka Huurweyne oo ay ku sugan yihiin Ciidamo katirsan dowladda iyo kuwa dib u xoreynta degaanka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dagaalka labada dhinac uu khasaaro kasoo gaaray, isla markaana ay ku dhinteen in ka badan 10 Ruux , halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in ay fashiliyeen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogana y gaarsiiyeen, hayeeshee Al-Shabaab dhankooda ay sheegteen inay weerarka kudileen Afar Askari kuna qabsadeen laba qoray, in kastoo aysan jirin cid xaqiijisay sheegahasdooda.

Wararka kale ayaa waxaa ay sheegayaan in degaanka lagu dagaalamay ay gaaren ciidamo katirsan kuwa Milalteriga Soomaaliya oo gurmad ah, waxaana intii ay kusii socdeen mid kamid ah qabsaday qarax loo dhigay, iyada oo ay ku dhaawacmeen saddex askari.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com